Wararka Soomaalida

Wasiir Sabriye oo dhuusa Mareeb Gaaray+sawiro

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxa Golaha wasiirada Galmudug Maxamed  Shaakir Cali Xasan. Safarka wasiir Sabriye iyo wafdigiisa ayaa la xiriira xal ka gaarista arrimaha […]

Published

on

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxa Golaha wasiirada Galmudug Maxamed  Shaakir Cali Xasan.

Safarka wasiir Sabriye iyo wafdigiisa ayaa la xiriira xal ka gaarista arrimaha Khilaafka Galmudug iyo kala qeybsanaantan Madaxda Galmudug ee halkaas ka taagan dhowrkii bil ee la soo dhaafay.

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa hadda waxay dhuusa Mareeb kulan kula leeyihiin Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxa Golaha wasiirada Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sidoo kale ujeedka wafdiga ayaa waxaa la sheegayaa in uu daaran yahay sidii xal looga gaari lahaa diidmada Dowladda federaalka Soomaaliya Madaxdooda ugu soo hor jeedaan go,aankii dhawaan ay ku dhaqaaqeen Maxamed Shaakir iyo Xaaf ee ahaa in muddo kororsi ay sameysteen iyadoo dowladda Soomaaliya ay soo saartay waqtiga laqabanayo doorashada Galmudug.

Xiliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada Golaha Baarlamanka Maamulka Galmudug iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dhageyso bisha July ee soo socota.

Sidoo kale wafdiga ayaa la filayaa in ay utalaabi doonaan Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud ka dib markii dhawaan halkaas ay isku laayeen labo meleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda halbeel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version