Wararka Soomaalida
Wasiirada Jubbaland oo eedeeyay Dowladda dhexe
Kulan maanta ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo sii hayiyaasha wasaaradaha Maamulka Jubbaland ayaa waxay uga hadleen arimaha amniga iyo doorashooyinkii kala duwanaa ee magaaladaas ka dhacay dhamaadkii bishii hore ee August iyo xariga wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Cabdirashiid Janan ee uxiran dowladda federaalka Soomaaliya.
Golahan oo wali ku shaqeeya xilalkoodii hore ee wasiirnimo ayaa ugu horayn ka hadlay doorka wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland uxalinayso cabashooyinka ka soo yeeray beelaha dega Jubbaland iyagoo saluug xoog leh ka muujiyay habka soo xulistii baarlamanka iyo doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo iyadoo wali arintaas xalinteeda lagu jiro ayna ku rajo weyn yihiin soo gabagabaybta cabashooyinka beelaha.
Kulanka Golaha wasiirada Jubbaland ayaa waxaa shir gudoominayay Axmed Madoobe oo xilkiisa muran weyn ka taagan yahay iyadoo beesha caalamka iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya wada qaadhaceen sharci ahaan habka doorasho ee Kismaayo ka qabsoontay.
Golahan ayaa intaas ka dib waxay ka hadleen xariga wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ee ku xiran magaalada Muqdisho ka dib markii Ciidamada amniga Soomaaliya ka soo qabteen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho xili safar uu ku marayay garoonka Aadan Cadde waxayna eed kala duldheceen gilahan wasiirada Jubbaland dowladda dhexe ee Soomaaliya xariga wasiir Janan awgeed.
Wasiiradaas ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya si sharcidaro ah ku haysato wasiirkaas xarigiisana uu yahay mid baalmarsan sharciga waxayna intaas raaciyeen in si deg deg ah usiidayso Dowladda Wasiir Cabdirashiid Janan iyagoo sifo sharciga baalmarsan ku xiray.
Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay xayiraada dhanka duulimaadka hawada ee dowladda dhexe saartay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxayna fareen dowladda dhexe inay ka qaado xayiraada saaran Kismaayo si bulshada ku xayiran Kismaayo danahooda ufushadaan.