Wararka Soomaalida

Wasiiradii dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland oo la dhaariyay

Published

on

Wasiirada Cusub ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu dhaariyay qasriga Madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa dhaarisay Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada Puntland waxaana goobjoog ka ahaa dhaarintaasi wasiirada Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirada loo dhaariyay xilalkooda ayaa waxay kala yihiin.

  1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan
  2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxamed
  3. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Axmed Shire Siciid
  4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Fardowso Cismaan Cigaal

Dhaarintaasi ka dib Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal dardaaran ah ujeediyay wasiiradan la dhaariyay ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay kasoo dhalaalaan mas,uuliyadda loo’igmaday ee ay u dhaarteen inay si daacadnimo ah oo ay ku jirto danta dalka,dadka iyo diinta uga,adeegaan shacabkooda,waxaa Alle uga baryay inuu u fududeeyo waajibaadkooda shaqo.

Trending

Exit mobile version