Wararka Soomaalida

Wasiiradii loo diray Deni oo sharaxay kulamadii Boosaaso ay kula yeesheen Deni

Published

on

Wasiiradii shalay gaaray magaalada Boosaaso ee uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxayna la hadleeen Saxaafadda iyagoo sharaxay wixii ka soo baxay shirarkii xalay oo dhan kula lahaayeen Boosaaso Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo natiijadii ka dhalatay kulankaas.

Wasiiradaas kulanka dheer la soo qaatay Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Xubnahan wasiirada ah ayaa waxaa halkaas udiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuuna u wakiishay inay xaliyaan Khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay Boosaaso kulan qaatay 8 saacadood kula yeesheen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo xubno kale ayna kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Inkasta oo uusan shaacin wasiirku qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac haddana waxaa uu carabka ku dhuftay iney Madaxweyne Deni ay isku afgarteen in la xaliyo khilaafka jira uuna aad u soo dhoweeyey arintaas.

Waxa uu xusay wasiir Cawad in Madaxweyne Deni ay isla soo hadal qaadeen arrimaha Maamulka Jubbaland oo isna khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe, ayna arintaas aad ugu kala duwanaayeen siyaasad ahaan.

Wasiir Cawad ayaa wuxuu sheegay in dowladda federaalka weli mowqifkeedii ka taagan tahay siyaasadeeda ku aadan Jubbaland aysana marnaba aqoonsan doonin doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Trending

Exit mobile version