Wararka Soomaalida

Wasiiraka Maaliyadda Soomaaliya oo hidadiilo wanaagsan Muujiyey+sawiro

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee Magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kaga qayb galay shirkii Bangiga Aduunka iyo IMF ayaa shirka ka dib kulamo gooni gooni ah kula qaatay Washington DC qaar ka mid ah Madaxda Bangiga Aduunka iyo IMF waxaana ay […]

Published

on

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee Magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kaga qayb galay shirkii Bangiga Aduunka iyo IMF ayaa shirka ka dib kulamo gooni gooni ah kula qaatay Washington DC qaar ka mid ah Madaxda Bangiga Aduunka iyo IMF waxaana ay ka wada hadleen arrimaha dayn cafinta Soomaaliya iyo mida dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa Magaalada Washington uga haray wafdigii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee maalin ka dib dhamaashihii shirkii Bangiga Aduunka iyo IMF dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho iyadoo Beyleh iyo qaar ka mid ah ku xigeenadiisa usoo haray sidii balan qaadyo wanaagsan ula soo geli lahaayeen Madaxda Bangiga Aduunka iyo IMF.

Wasiir Beyleh oo galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulamadaas ay ahaayeen kuwo muhiim u,ahaa Soomaaliya sidoo kalana ay ka soo baxeen hidadiilooyin wanaagsan sida dayn cafinta iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya ku saabsan.

“Si nabad ah ayaan Dalka dib ugu soo laabtay kadib shirar guulo ku soo dhamaaday oo aan la soo qaatay madaxda Bangiga Aduunka iyo Sanduuqa Lacagta Aduunka (IMF) Waxaa inoo muuqda mustaqbal ifaya, oo noo horseedaya inaan gaarno isku filnaasho iyo Barwaaqo. Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka arrimaha Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh.

Dowladda Soomaaliya ee majaraha uhayo Madaxweyne Farmaajo ayaa geed dheer iyo geed gaabanba ufuushay sidii caalamka usoo jiidan lahayd si looga cafiyo lacagta badan ee dunida looga leeyahay Soomaaliya waxaana hadda meel wanaagsan umaraya dowladda Soomaaliya sidii deynta Soomaaliya looga cafin lahaa sida muuqata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version