Wararka Soomaalida
Wasiirka arimaha dibadda Norwey oo soo gaartay Muqdisho+Sawiro
Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaartay wasiirka arimaha dibadda dalka Norwey haweenayda lagu magacaabo Ine Marie Eriksen Soreide iyo wafdi ay horkacaysay. Ine Marie Eriksen Soreide iyo wafdigeeda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada Soomaaliya. […]
Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaartay wasiirka arimaha dibadda dalka Norwey haweenayda lagu magacaabo Ine Marie Eriksen Soreide iyo wafdi ay horkacaysay.
Ine Marie Eriksen Soreide iyo wafdigeeda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada Soomaaliya.
Haweenayda wasiirka arimaha dibadda ka ah dalka Norwey Ine Marie Eriksen Soreide ayaa intaas ka dib xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Ine Marie Eriksen ugu sheekeeyay horumarka dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay iyadoo Ine Marie Eriksen ku riyaaqaday warbixinta Soomaaliya iyo wanaaga looga sheekeeyay.
Ine Marie Eriksen Soeide ayaa ugu mahad celisay Xasan Cali Khayre horumarka Soomaaliya ay gaarsiiyeen.