Wararka Soomaalida

Wasiirka arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo eed ujeediyey Gudiga doorashooyinka Qaranka ee madaxbanaan

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Satte ayaa maanta eed adag ujeediyey Gudiga doorashooyinka Qaranka ee Madaxbanaan isla markaana Gudoomiyaha ayaa ka tahay Caliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yareey). Wasiir Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Satte ayaa waxaa uu ku eedeeyey Gudiga doorashooyinka Qaranka ee madaxbanaan markii ay barnaamijyo la xiriira arrimaha […]

Published

on

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Satte ayaa maanta eed adag ujeediyey Gudiga doorashooyinka Qaranka ee Madaxbanaan isla markaana Gudoomiyaha ayaa ka tahay Caliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yareey).

Wasiir Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Satte ayaa waxaa uu ku eedeeyey Gudiga doorashooyinka Qaranka ee madaxbanaan markii ay barnaamijyo la xiriira arrimaha doorashooyinka ay ka fulinayaan Magaalada Baydhabo wax cilaaqaad ah ama xiriir ah la soo sameynin Wasaaradda,kaliya ay ka warhelaan in Gudiga ay ka fuliyeen Magaalada Baydhabo arrimihii ay u,yimaadeen ee doorashada ku tacaluqda.

Wax yaabaha hadda cusub ee Gudiga ay ka fuliyeen Magaalada Baydhabo ee lagu eedeynayo ayaa waxaa ka mid ah ka dib kursi ka banaanaa Xildhibaan Baarlamanka,aqalka hoose oo doorashadiisa dhowaan ay ka dhacday Magaaladaas Xildhibaana lagu soo doortay.

Haddaba Wasiirka arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Satte ayaa xafiiskiisa ka soo saaray War-Saxaafadeed uu ku qeexay eeda uu u jeedinayo Gudiga doorashada Qaranka ee madaxbanaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version