Wararka Soomaalida
Wasiirka arimaha gudaha Sudan iyo Safiirka Soomaaliya oo kulan muhiim ah yeeshay
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan Xuseen Xaaji Axmed ayaa galabta xarunta safaaradda ay ku leedahay Magaalada Jubba kulan kula qaatay wasiirka arrimaha gudaha dalka Koofurta Sudan Michael Chiangjiek iyadoo kulankaas labada mas’uul ugu wada hadleen arrimo muhiim ah kuna saabsan xaalada bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Xuseen Xaaji Axmed Safiirka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan ayaa wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay Wasiirka arimaha gudaha dowladda Koofurta Sudan Michael Chiangjiek uu ku saabsanaa sidii xal loogu heli lahaa Ganacsato ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koofurta Sudan oo hadda laga bur-burinayo Suuq in muddo ah ay ku ganacsanayeen sidii meel kale dowladda ugu samayn lahayd.
Dalka koofurta Sudan ayaa waxaa ku nool qoysas Soomaliyeed oo in ka badan 20 sano halkaas ku noolaa iyadoo bulshada iyo dowladdaasiba si wanaagsan usoo dhaweeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda soo maciinbiday.
Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalkaas Xuseen Xaaji Axmed ayaa ugu mahad celiyay wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Koofurta Sudan Michael Chiangjiek sida sharafta leh ee dalkooda ugu soo dhaweeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida mar waliba uqadariyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkooda kunool.
“Waxaan xafiiska kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Koofurta Sudan iyadoo aan ka wada hadalnay xiriirka labada dal,xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool koofurta Sudan gaar ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsada Suuq isku raran ah oo hadda la doonayo in laga duminayo sidii goob kale loogu heli lahaaa”ayuu yiri ambassador Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay warbaahinta ka dib markii kulanka uu soo dhamaaday.
Kulankan galabta dhaxmaray Michael Chiangjiek Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Koofurta Sudan iyo Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Xuseen Xaaji Axmed ayaa ku soo dhamaaday isfahan guud iyo in ganacsatada loo sameeyo meel kale oo ay ku ganacsadaan.
Dalka Koofurta Sudan iyo dalka kale ee Sudan guud ahaan ayaa waxaa siweyn loogu qadariyaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee labadaas wadan ee halka wadan isku ahaa ee hadda la kala gooyay ku kala nool waxaana la sheegaa in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadamadaas ku kala nool ay udhaqmaan sida iyagoo jooga dalkooda hooyo oo kale kalsoonida ay ku qabaan ku noolaasha ah labada Sudan.