Wararka Soomaalida

Wasiirka arrimaha Gudaha Jubbaland oo Maamul cusub umagacaabay DegmadanAfmadow

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa maanta Maamul cusub umagacaabay Degmada Afmadow ee Jubbada hoose. Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Wasiir Darwiish ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii Degmadaas waxaana Wareegtadan Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen cusub loogu magacaabay Yuusuf Xasan Xuseen Gudoomiyaha Degmada Afmadow iyo Gudoomiye […]

Published

on

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa maanta Maamul cusub umagacaabay Degmada Afmadow ee Jubbada hoose.

Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Wasiir Darwiish ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii Degmadaas waxaana Wareegtadan Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen cusub loogu magacaabay Yuusuf Xasan Xuseen Gudoomiyaha Degmada Afmadow iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmadaas loo Magacaabay Rabaax Sheekh Cumar.

Maxamed Warsame Darwiish Wasiirka arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland ayaa magacaabista Mas,uuliyiintan u cuskaday ka dib markii sida uu sheegay ay timid baahi loo qabo in Maamul cusub loo sameeyo Degmada Afmadow.

Sidoo kale talo soo jeedin ka timid Odayaasha dhaqanka Degmadaas iyo wax garadkooda oo soo jeediyey in laga bedelo Maamulkii hore laguna soo bedelo rag cusub oo wax qabad hufan oo ay ka raaliyihiin bulshada Degmada Afmadow iyo Maamulka sare ee Jubbaland la imaankara sidaas darteed Mas,uuliyiintan uu umagacaabay.

Isbedealkan cusub ee lagu sameeyey Maamulka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmahaanba Degmada Afmadow uu ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Madoobow oo halkaas ka waday Abaabul dagaal oo ka dhan ah Maleeshiyada Al shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ku xooggan sidii looga saari lahaa.

Hoos ka Akhri War murtiyeedka Wasiir Darwiish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version