Wararka Soomaalida

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo War ka soo saaray shir kadhici doona London

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa War ka soo saaray shir dhowaan ka dhici doona Magaalada London ee Dalka UK kaasoo looga hadli doono howlaha Shidaalka iyo khayraadka ku jira dalka Soomaaliya ku saabsan. Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas looga xaajoonayo arimaha Shidaalka iyo khayraadka dhex ceegaaga dalka iyaguna […]

Published

on

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa War ka soo saaray shir dhowaan ka dhici doona Magaalada London ee Dalka UK kaasoo looga hadli doono howlaha Shidaalka iyo khayraadka ku jira dalka Soomaaliya ku saabsan.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas looga xaajoonayo arimaha Shidaalka iyo khayraadka dhex ceegaaga dalka iyaguna lagu casuumay shirka ayna kala qayb galayaan xuno ka kala socda Maamul Goboleedyada Soomaaliya,Khubarada Soomaaliyeed ee ku xeel dheer arimaha Shidaalka iyo qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wuxuuna yiri”Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga warbixineysa Shirka ka dhacaya Magaalada Landon ee Dalka UK.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galaya Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaliya,maamul Goboleedyada, ganacsato Soomaaliyeed iyadoo lagu soo bandhigaayo khayraadka ku jira Somaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version