Wararka Soomaalida
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta oo cambaareeyey fal dhowaan ay ku kaceen Ciidanka Kenya(Akhriso)
Wasiirka Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Soomaaliha Cabdi Canshuur ayaa si adag u cambaareeyey talaabadii dhowaan Ciidanka Kenya ay ku bur buriyeen Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee HORMUUD ay ku leedahay Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadagaan ee dhooblay. Wasiir Cabdi Canshuur ayaa Galabta Xafiiskiisa ka soo saaray War-Saxaafadeed uu ku cambaaraynayo falkaas Ciidanka Kenya ay […]
Wasiirka Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Soomaaliha Cabdi Canshuur ayaa si adag u cambaareeyey talaabadii dhowaan Ciidanka Kenya ay ku bur buriyeen Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee HORMUUD ay ku leedahay Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadagaan ee dhooblay.
Wasiir Cabdi Canshuur ayaa Galabta Xafiiskiisa ka soo saaray War-Saxaafadeed uu ku cambaaraynayo falkaas Ciidanka Kenya ay ku bur buriyeen xarunta Shirkadda Hormuud.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada boostada,isgaarsiinta iyo teknoolajiyada Dowlada federaal ka somalia ayaa lagu cambaareeyey falalka guracan oo ay ciidama Kenya ee xadka ay soomaliya la wadaagto ka soo talaabay ku bur buriyeen xarumo isgaarsiineed oo ay lahayd shirkadda isgaarsiinta soomaliyeed ee Hormuud.
Wasiirka ayaa war saxaafadeedka ku sheegay in ay kal hore u gudbiyeen wasaarada arimaha dibada ee Kenya khasaaraha ka dhashay xarumo horay ay u bur buriyeen askartooda .
waxa uu wasiir Canshuur carabka ku adkeeyey in aanan marna loo dulqaadan karin gabood falada ay askarta Kenya kula kacayaan hantida dalka iyo dadka soomliyeed,xaruntii 8aad oo adeeg isgaarsiineed shacabka soomaaliyeed loogu hayay ayey bur buriyeen askarta Kenya ee ka soo talabay xadka ay Soomaliya la wadagaan,bishan janayo ee snaadkan cusub ee 2019 kaliya ayaa madaafiic waxay Ciidamada Kenya ay ku bur buriyen laba xurumood oo kala ah (DHUYAC,GAROON IYO CALI BULAAY)
Dowlada Soomaliya ayaa looga fadhiyaa in ay dowlada keenya ka qaado magdhawga khasaaraha nafaeed iyo midka maaliyadeed ee shirkada Hormuud ka soo gaaray bur burka ay Keenyaatigu u geysteen xarumaheeda dhaca xadka labada dal ee Keyna iyo Soomaliya ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedkan ka soo baxay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee Xukuumadda Soomaaliya.