Wararka Soomaalida

Wasiirka Caafimaadka oo Dawooyin Gaarsiisay Deegaanka Gawaan

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa maanta Dawooyin gaarsiisay Isbitaalka ku yaalla degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug iyadoo bulshada halkaas kunool baahi weyn ay uqabeen Dawooyinka maanta lagaarsiiyey. Talaabadan maanta ay qaaday Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxaa amray in Dawooyinkan lagaarsiiyo bulshadaas Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda […]

Published

on

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa maanta Dawooyin gaarsiisay Isbitaalka ku yaalla degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug iyadoo bulshada halkaas kunool baahi weyn ay uqabeen Dawooyinka maanta lagaarsiiyey.

Talaabadan maanta ay qaaday Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxaa amray in Dawooyinkan lagaarsiiyo bulshadaas Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka dib qayladhaan soo gaartay Xafiiskiisa.

Safarka Wasiirka Caafimaadka ee deegaanka Gawaan waxaa ku weheliyey Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka sare oo uu ka mid ahaa Cabdixasan Cawaale Qayb diid iyo Xildhibaano ka mid ah Aqalka hoose.

Isbitaalkan Gawaan ee maanta lagaarsiiyey adeegan Caafimaad ayaa waxaa horay ufurtay Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur iyadoo lagu dhisay Barnaamijka lamagac baxay isxilqaan iyo isku tashi Dadka Degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version