Wararka Soomaalida

Wasiirka cusub ee Ganacsiga oo qabsaday Baraha bulshada

Ka dib markii maanta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya umagacaabay ENG Cabdulaahi Cali Xasan Wasiirkii wasaaradaasna loo wareejiyey wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ka dib iscasilaadii wasiirkii warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa waxaa si aad ah hadal hayntiisa baraha bulshada uqabsaday wasiirka cusub ee wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Cabdulaahi Cali […]

Published

on

Ka dib markii maanta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya umagacaabay ENG Cabdulaahi Cali Xasan Wasiirkii wasaaradaasna loo wareejiyey wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ka dib iscasilaadii wasiirkii warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa waxaa si aad ah hadal hayntiisa baraha bulshada uqabsaday wasiirka cusub ee wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Cabdulaahi Cali Xasan.

Baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter ayaa waxaa lagu falanqeeyey heerka aqooneed iyo midda shaqo ee uu soo maray ENG Cabdulaahi Cali Xasan sidoo kale kartida uu ku hanan karo xilka looga magacaabay.

ENG Cabdulaahi Cali Xasan wasiirka cusub ee wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa waxaa uu muddo dheer ka mid ahaa bahda waxbarashada Soomaaliya sida Jaamacadaha iyo Dusiyada sare ee ku yaala Magaalada Muqdisho oo uu wax ka dhigi jiray.

Wasiir Cabdulaahi Cali Xasan ayaa sidoo kale waxaa uu muddo dheer la soo shaqeeyey hay,ado dhinaca samafalka ah islamarkaana ka shaqeeya arrimaha bini,aadanimada.

Shaqsiyaadka aqoonta fog uleh wasiirkan cusub ayaa waxay ku tilmaameen inuu yahay shaqsi la,mahadin doono howl karnimadiisa xagga aqoonta iyo kartida uu ku maanuli doono wasaaraddan loo magacaabay sidoo kale waxay intaas warkooda ku dareen inuu yahay shaqsi naxariis badan howl karna ah.

Aqoon yahan Cabdulaahi Cali Xasan ee maanta loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ayaa sanadkii 2016kii wuxuu utartamay xilka Xilshibaanimo iyadoo sida la sheegay laga musuq maasuqay codadkii uu helay.

Waa noocee heerkiisa aqooneed Xagga waxbarashada Jaamacadeed iyo midda asaasiga ah.

ENG Cabdulaahi Cali Xasan Dugsiga hoose iyo dhexe ayaa wuxuu kaga baxay Magaalada Muqdiaho xiligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya,dhinaca Jaamacadda wuxuu ka qalin jebiyey Jaamacadda  University Of New York ee Suny Albany wuxuuna bartay maadada  Engineering wuxuu markii dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdiaho intii aaney dhicin dowladdii kacaanka wuxuu macallin ka noqday Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.

Cabdulaahi Cali Xasan wasiirka cusub ee wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa wuxuu yahay aqoon yahan Siyaasaddana ku cusub balse leh aqoon ku filan sida ay ku amaaneen shaqsihaadka aqoonta duruqsan uleh wasiirkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version