Wararka Soomaalida
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka wadamada islaamka
Wasiirka diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya Nuur Maxamed Xasan ayaa ka qayb galay shirka 3-aad ee wadamada islaamka Africa oo sanadkan looga hadlayay isu kaashiga wanaaga iyadoo wasiir Nuur Maxamed Xasan shirkaas ka jeediyay khudbad uu diirada ku saaray arimaha Soomaaliya.
Wasiirka oo shirkaasi ee uu ka qayb galay kuna matalayay magaca dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay arimaha diinta,siyaasada, wadamada aadka udaneeya Soomaaliya iyo guud ahaan qaarada africa iyo qodobo kale oo muhiim ah.
“Waxaan maanta Qaranka Soomaaliyeed ku matalay Shirka 3-aad ee Muslimiinta Afrika oo sanadkan cinwaan looga dhigay (isu kaashiga wanaagga)
Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaan ka jeediyay furitaanka shirkan oo Dalkeenna sharaf wayn u ahayd inaan ku hadalno afka Qaaradda Afrika
Maalmaha soo socda waxaan ka wada hadli doonnaa.
Siyaasadda Dowladda Turkiga ee ku aaddan Qaaradda Afrika,Horumarinta hay’adaha Diinta Islaamka ee Qaaradda,Baahiyaha waxbarashada Diinta ee Qaaradda,Gacan siinta adeegga Barshada Diinta Islaamka,Iskaashiga Hayadda Diinta Turkiga iyo Qaarada Afrika,Halista ku xeeran muslimiinta Qaaradda Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa.
Waxaan rajaynayaa in Dalkeennu si wanaagsan ugu faaidaysan doono fursadaha iskaashi & horumarinta hayadaha barashada Diinta Islaamka”ayuu yiri wasiir Nuur Maxamed Xasan.