Wararka Soomaalida
Wasiirka Duulista Hawada oo war ka soo saaray arinta Kenya(Akhriso)
Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar ayaa si adag ugu hadlay tallaabadii shalay ay qaaday Dowladda Kenya ee ku aadaneed joojintii duulimaadkii tooska ahaa ee diyaaradda Kenya Airway ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta. Dowladda kenya ayaa shalay ku dhawaaqay in ay joojisay duulimaadkii diyaaradda Kenya Airway ee […]
Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar ayaa si adag ugu hadlay tallaabadii shalay ay qaaday Dowladda Kenya ee ku aadaneed joojintii duulimaadkii tooska ahaa ee diyaaradda Kenya Airway ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta.
Dowladda kenya ayaa shalay ku dhawaaqay in ay joojisay duulimaadkii diyaaradda Kenya Airway ee Muqdisho iyo Nairobi ee tooska ahaa loona wareejiyey Garoonka diyaaradaha ee Wajeer si halkaas baaritaan dheeri ah rakaabka Soomaalida loogu sameeyo.
Wasiir oomaar ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid lagu dhibayo shacabka Soomaaliyeed ee iskiiga kala goosha Muqdisho iyo Nairobi ismarkaana ay tahay mid culays ku ah muwaadiniita Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar ayaa sheegay in sidoo kale tallaabadaas Kenya ay qaaday dhaawacayso xiriirka walaal tanimo ee soo joreenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana dhaawacayo heshiiskii ugu dambeeyey ee labada dowladood ay ku gaareen Nairobi.
Wasiir oomaar ayaa ugu dambayn sheegay inay baarayaan waxa Kenya ku xambaaray inay duulimaadkii tooska ahaa ay u weeciso Wajeer marka ugu dambaysana ay soo saari doonaan mowqifkooda arintan ku saabsan.
Hoos ka Akhri warmurtiyeedka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Soomaaliya
Fiiro gaar ah warqaddan ayaa waxaan ka helnay bogga Twitter-ka ee Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed iyadoo aan meelo badan ka eegnay.