Wararka Soomaalida

Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay Hoobiyaashii Madaxtooyada

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo ka hadlay Hoobiyaashii maanta lagu weeraray Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aan wax udhimaynin himilooyinka ay hiigsanayaan. Maareeye wuxuu intaas ku daray in koox aragagaxiso ah ay ku soo tuureen Madaxtooyada Soomaaliya waxay khasaaro naf bini aadan ahna gaysan markii laga reebo Gawaari […]

Published

on

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo ka hadlay Hoobiyaashii maanta lagu weeraray Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aan wax udhimaynin himilooyinka ay hiigsanayaan.

Maareeye wuxuu intaas ku daray in koox aragagaxiso ah ay ku soo tuureen Madaxtooyada Soomaaliya waxay khasaaro naf bini aadan ahna gaysan markii laga reebo Gawaari iyo xafiisyo ay burburiyeen Madaafiicdaas.

“kooxaha argagixisada iyo nabad diidku dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah.”

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo hoobiyaal dhaliyey khasaaro naf iyo maalba leh maanta lagu weeraray Villa Soomaaliya sida ay sheegaaan dadka xog ogaalka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version