Wararka Soomaalida
Wasiirka Ganacsiga oo Magaaladda Beijing kaga qayb galay shirka Ganacsiga+sawiro
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Hogaaminaya waftiga Soomaaliya uga qaybgelaya Shirka Second Belt and Road Forums ee ka dhacaya Magaaladda Beijing ee dalka China ayaa halkaas kula kulmay Madaxda Dalka China. Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa la kulmay Wasiiro badan oo isugu jira kuwa dalka shirka martigeliyey ee China iyo […]
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Hogaaminaya waftiga Soomaaliya uga qaybgelaya Shirka Second Belt and Road Forums ee ka dhacaya Magaaladda Beijing ee dalka China ayaa halkaas kula kulmay Madaxda Dalka China.
Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa la kulmay Wasiiro badan oo isugu jira kuwa dalka shirka martigeliyey ee China iyo kuwa Ganacsiga iyo Warshadaha ee shirka ka qaybgelaya wasiirka wuxuu ka warbixiyay
Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sanadkii u danbeeyayba waxsoosaarka Somaliya u raadinayey suuqyo loo iibgeeyo oo caalami ah fursadana ay qayb ka ahayd.