Wararka Soomaalida

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ufadhiya Soomaaliya

Wasiirka wasaaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna  Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Xamsa Saciid xamsa ayaa maanta la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz mas,huliyiintan ayaa ka wada hadlay arimaha gargaarka bini,aadanimada ee ay u baahan yihiin qoysaska tabaalaysan ee Soomaaliyeed. Safiirka Turkiga ufadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz […]

Published

on

Wasiirka wasaaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna  Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Xamsa Saciid xamsa ayaa maanta la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz mas,huliyiintan ayaa ka wada hadlay arimaha gargaarka bini,aadanimada ee ay u baahan yihiin qoysaska tabaalaysan ee Soomaaliyeed.

Safiirka Turkiga ufadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa ka dhageystay Warbixinta Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya meelaha sida gaarka ah ee deg dega looga baahan yahay in gargaar lagaarsiiyo.

Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa  Safiirka kala hadlay sidii Gargaar deg deg ah oo mucaawino ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ku dhibaataysan deegaanada Maamul Goboleedyada gaar ahaan meelaha sida gaarka ah ay uga taagan yihiin baahiyaha Deg Deg ah.

Dhamaan wax yaabihii ay isku soo hadal qaadeen Wasiirka iyo Safiirka ayaa ku soo idlaaday Isfahan iyo in la dedejiyo gargaarka bini,aadanimo. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version