Wararka Soomaalida

Wasiirka Howlaha Guud oo shir ka furay Muqdisho

Wasiirka Hawlaha guud,dib udhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow ayaa maanta shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay aqoon yahano,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyadoo si aad ah shirka loogu falanqeeyey arimaha Howlaha guud,dib udhiska dalka iyo […]

Published

on

Wasiirka Hawlaha guud,dib udhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow ayaa maanta shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay aqoon yahano,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyadoo si aad ah shirka loogu falanqeeyey arimaha Howlaha guud,dib udhiska dalka iyo Guriyeynta iyadoo Soomaaliya Magaalooyinka guud ahaan ay ubaahan yihiin dib udhis iyo hagaajinta wadooyinka ka dib markii ay ku burbureen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay laga soo bilaabo 1991-kii ilaa sanadkii 2004tii.

Markii xoogaa shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka ilbaxeen abaabulkii dagaalka qabiilka ayaa haddana waxaa intii hartay ee ka badbaaday musiibadii dagaal ee qabiilka sii dhamaystirtay dagaalada iyo qaraxyada ay ka wadaan Soomaaliya kooxaha Al shabaab iyo Daacish.

Shikan uu ka furay Magaalada Muqdisho Wasiirka Howlaha guud,dib udhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay wasiiro ka kala socda labada Maamul ee sida buuxda ula shaqeeya Dowladda federaalka Soomaaliya ee kala ah Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Shirkan ayaa waxaa uu ka socon doonaa Magaalada Muqdisho seddax maalin ka dibna waxaa laga soo saari doonaa war murtiyeedka qodobadii shirka looga hadlay sida uu sheegay Wasiir Cabdi Aadan Hoosow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version