Wararka Soomaalida

Wasiirka maaliyadda oo ka hadlay arimaha dhaqaalaha dalka

Published

on

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre kuna sugan dalka Maraykanka kana qayb galaya shirka caalamiga ah ee deyn cafinta Soomaliya ee soo qabanqaabisay hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu marayo heer wanaagsan haatana ay ku rajoweyn yihiin in laga cafiyo aduunka dhaqaale ee lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiir ducaale ayaa amaan ujeediyay Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo ku tilmaamay in Madaxweynaha uu yahay shaqsiga kaliya ee dadaalka dheeraadka ah ku bixiyay sidii dhaqaalaha dalka ukobcilahaa haatana meel sare uu marayo aduunkana ay ka warhayaan meesha uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka ay kaga qayb galayaan Maraykanka hay’adda lacagta aduunka ee IMF ku rajoweyn yihiin in gabi ahaamba laga cafiyo deynta lagu leeyahay Soomaaliya.

“Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu soo bandhigay guulaha dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Soomaaliya si looga baxo nuglaanta dhaqaale loona gudbo horumarka dhaqaale ee dalka si lanooga cafiyo deynta,xilligan la jooga Soomaaliya shirkan aan joogno ee IMF wuxuu noo yahay muhiim,hadda dowladda waxaa si dhab ah uga go’an in guul la taaban karo ka gaarto dhammaystirka guulaha dhaqaale”ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka ka furmaya dalka Maraykanka ee looga hadlayo arimaha dhaqaalaha ayaa waxaa soomaaliya ugu qayb galaya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh iyadoo halkaasi ka jeedin doonaan khudbado ku aadan deyn cafinta Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version