Wararka Soomaalida
Wasiirka warfaafinta oo ka jawaabay war saxaafadeedkii mucaaraadka
Ka dib markii shalay hogaamiyaasha Maamulada iyo Xisbiyada mucaaradka ah ay shir ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayna ka soo saareen war saxaafadeed dowladda looga soo hor jeeda ayaa waxaa jawaab ka bixiyey Wasiirka War faafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele. Wasiir Geele ayaa sheegay in Qolada Mucaaradka ah ay ilaaliyaan midnimada iyo deganaashaha […]
Ka dib markii shalay hogaamiyaasha Maamulada iyo Xisbiyada mucaaradka ah ay shir ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayna ka soo saareen war saxaafadeed dowladda looga soo hor jeeda ayaa waxaa jawaab ka bixiyey Wasiirka War faafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele.
Wasiir Geele ayaa sheegay in Qolada Mucaaradka ah ay ilaaliyaan midnimada iyo deganaashaha dalka ayna iska ilaaliyaan inay ku talax tagaan Mucaaradnimadooda.
Daahir Maxamuud Geele ayaa intaas warkiisa ku daray in aan loo diidanayn inay ka hadlaan wax kasta oo dalka doosinaya laakiin laga yeelaynin in wax duminaya dalka ay ku dhaqmaan.
Hadalka Wasiirka War faafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay War saxaafadeed Nairobi ay ka soo saareen Mucaaradka dowladda ka soo hor jeeda islamarkaana sheegay in dalka aanay ka jirin dowlad.
Mucaaradka ku shiray Nairobi waxay sheegeen in la bedelo Xukuumadda hadda shaqayso.