Wararka Soomaalida
Wasiirka waxbarashada oo kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday dalka Finland
Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno ka socday wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Finland ayaa maanta shir dheer ku wada qaatay xarunta Safaarada Finland ay ku leedahay magaalada Muqdisho ka dib markii wafdigan ay soo gaareen Muqdisho.
Wafdigan ka socday wasiirka arimaha dibadda Finland iyo wasiir Goodax shirkooda ayaa waxaa diirada lagu saaray dhowr qodob oo ugu horeeyo qodobka waxbarashada heerka tacliinta jiilka Soomaaliyeed iyo xarumaha waxbarashada Soomaaliya meesha ay ka joogaan caalamka.
Cabdullaahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa wafdigan ka socday dalka Finland ee booqashada ku yimid Muqdisho uga warbixiyay heerka sare ee Tacliinta Soomaaliya meesha ay wax marayaan isagoo usharaxay in meel sare oo aad uwanaagsan uu marayo habka waxbarasho ee dalka Soomaaliya iyagoo wafdigaasi aad ugu farxay sharacaada uu siiyay Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.
Mas,uuliyiintan ka socday wasaarada arimaha dibadda ee dalka Finland ayaa dhankooda amaan ujeedisay wasaarada waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya iyo sida quruxda badan ee wasaarada ugu dadaalayso in dhalinyarada Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh.
Wafdigan ka socday dalka Finland ayaa wasaarada waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ubalanqaaday in wixii caawin waxbarasho ku saabsan ee wasaarada waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya uga baahan tahay dalka Finland ay ka caawinayaan si dhalinta Soomaaliyeed ee dalkooda bur buray uhelaan waxbarasho la mid ah tan dhalinyarada caalamka ay haystaan iyagoo dalkooda hooyo jooga.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ka hadlay kulankan maanta uu kula yeeshay Safaarada Finland ee Muqdisho wafdiga ka socday dalkaasi ayaa sheegay shir dheer ka dib inay isku afgarteen maalgelinta waxbarashada iyo qodobo kale oo siyaasadda ka mid tahay isagoo ugu dambayn umahad celiyay wafdigaasi dalka Finland ka socday.
“Waxaan kulan la qaatay masuuliyin ka socotay Wasaarada Arimaha Dibada Finland waxaana ku kulanay xarunta Safarada Finland ay ku leedahay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho Waxaan warbixin ka siiyay xaalada waxbarashada dalka heerka caalamka aan ka joogno waana usharaxay in meel sare oo aad uwanaagsan marayno Waxaa kaloo aan kawada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo ka qeyb qaadashada malgelinta waxbarashada iyadoo ugu dambayn wax waliba aan isku fahanay”ayuu yiri wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax ayaa wuxuu dadaal dheer ugu jiraa sidii sare ugu qaadi lahaa howlaha waxbarashada ee Soomaaliya dibna loogu soo celin lahaa Manhajkii waxbarashada Soomaaliya ay lahayd ka dib markii nidaamkii waxbarashada ee dalka lahaanjiray uu ku bur buray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka wixii ka dambeeyay riditaankii dowladdii Miletariga ee Madaxweynaha uu ka ahaa Alle ha unaxariistee Jannaraal Maxamed Siyaad Barre ee la riday sanadka markuu ahaa 1991-dii.