Wararka Soomaalida
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo dhagax dhigay Xarun waxbarasho Daawo Sawirada
Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ka dhagax dhigay Dugsiga Hoose,dhexe iyo sare ee Howlwadaag. Wasiir Goodax oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golaha Baarkamanka Soomaaliya ayaa maanta mid mid ubooqday xarumo waxbarasho oo ku yaalla degmada Howlwadaag iyagoo u kuurgalayey tayada waxbarasho ee ardayda […]
Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ka dhagax dhigay Dugsiga Hoose,dhexe iyo sare ee Howlwadaag.
Wasiir Goodax oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golaha Baarkamanka Soomaaliya ayaa maanta mid mid ubooqday xarumo waxbarasho oo ku yaalla degmada Howlwadaag iyagoo u kuurgalayey tayada waxbarasho ee ardayda iskuuladaas wax ka barta.
Sidoo kale Cabdulahi Goodax Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda xariga looga jarayay iskuulladda hoose dhexe ee howlwadaag iyo Xassan Qariidi, waxaana ku wehliyey wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,madaxa midowga yurub pinji Gardiyola ,madax ka socotay hay,adda Adra iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay
Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa shegay in Xukuumadda Soomaaliya,ay mar walba diyaar u tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo in dib loo soo celiyo dugsiyadii burburka uu soo gaaray.
Madaxa midowga Yurub Pinji Gardiyola ayaa sheegay in ay qeyb ay ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada Soomaaliya waxana u mahad celiyaya xukumadda Soomaaliya oo uu shegay in ay ku dadaashay kor u qaadista waxbarshada Soomaaliya.
Wasiirka waxbarashda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa shegay in ahmiyada koobaad la siinayo horumarinta waxbarshada dalka islamarkana loo baahan yahay in lasoo saaro macalimiin tayo leh si ardayda Soomaaliyeed ay heer u gaaraan .
“Sida aad ka war qabtaan maanta waxa aan isugu nimid in aan u dabaal dagno dayactirka labada iskuul sidoo kale muhiimad gaar ah bey noo leedahay dhagax dhiga dugsi sare oo ay yeelato dagmada Howlwadaag sida aan ognahay ardayda inta badan waxa ay aadan dagmooyin kale si ay u helaan dugsi sare maanta waxaad nasiib u yeelateen hadii aad tihiin dagmada holwadaag in aad heshaan dugsi sare”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in gacanta dowladda dib loogu soo celiyo iskuuladii dowladda islamarkana kor loo qaado aqoonta macalimiinta iyo tayeynta waxbarashada.