Wararka Soomaalida
Wasiirkii Amniga Jubbaland oo maxkamad ka soo muuqday
Maxkamadda ku taala magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta markii ugu horaysay ka soo muuqday Wasiirkii hore amniga ee maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho.
Wasiir Janan ayaa maxkamadayntiisa waxaa ku weheliya sida aan Wararka ku helnay Koroneel Buulle Aadan Maxamed oo taliye ciidan kasoo noqday degmada Doolow ee Gedo iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland waxaana loo haystaa eedaymo ku saabsan dambiyo dilal iyo ciqaab ay ka gaysteen Kismaayo iyo Gobolka Gedo.
Wasiir Janan iyo mas’uuliyiintan kale ayaa waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xili safar ay ku marayeen waxaana soo xiray Ciidamada amniga Muqdisho ka dib markii ay heleen xogta ku saabsan wasiirkan iyo Gudoomiyaha inay safar diyaaradeed ku marayaan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Labadan mas’uul ayaa waxaa maanta la dhagaystay dwacwada loo haysto waxaana la filayaa in maalmaha nagu soo aadan lagu fulin doono xukun adag sida aan wararka ku maqalnay.