Wararka Soomaalida
Wasiirkii hore ee Howlaha Guud oo Warbixin ka qoray Nicholas Haysom iyo Go,aanka Dowladda Soomaaliya
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska Soomaaliya Saadiq Cabdulaahi Cabdi ayaa Bartiisa Facebook ku soo qoray Warbixin dheer oo uu ku faafaahiyay arrinta hadda taagan ee Ergaygii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ee Dowladda federalka ka ceerisay Dalka iyo Taariikhda Nicholas Haysom. Waxaana uu ku bilaabay Amb Nicholas Haysom waa diblamaasi […]
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska Soomaaliya Saadiq Cabdulaahi Cabdi ayaa Bartiisa Facebook ku soo qoray Warbixin dheer oo uu ku faafaahiyay arrinta hadda taagan ee Ergaygii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ee Dowladda federalka ka ceerisay Dalka iyo Taariikhda Nicholas Haysom.
Waxaana uu ku bilaabay Amb Nicholas Haysom waa diblamaasi sare oo South African ah, shahaadada PhD ku haysta caluunta sharciga, shaqooyin sarsarena ka soo qabtey qaramada midoobey, dalkiisa Koonfur Afrika, La taliye sare Nelson Mandella, iyo dalal badan oo Afrikcan ah, ma ahan qof aan kala garan waayin xaduudiisa, waxa uu sharciga dowladda federaalka iyo sharciyada kale ee caalamiga qabaan, sheekada dowladduse waa “BAROORTU ORGIGA KA WEYN”, Dowladda xaqiiqdii waxaa ku adkaadey iney jawaabcelin u hesho weydiimaha QM ka dalbadey ee dhamaantood ahaa waxii ka dhacey Baidoa.
Faragelinta 27 sano jirsatey ee Somalia waa halkeeda oo ma ahan mid lagu lamaanin karo xiisada hadda taagan! shaqsiyan ma aheym qof weligey taageersanaa ku tiirsanaanta faragelinta noocey doontaba ha noqotee, mana taageeri doono ciidan shisheeye iyo ku tiirsanaantooda dhaqaale, hase ahaatee marka laga hadlaayo xuquuqda aadanaha iyo ilaalinteeda waa masuuliyada wadareed dunida u siman tahay la iskana kaashado, mana lahan midabo iyo xilal kala duwan.
Tusaale: China oo dowlad weyn ah ayaa lagu eedeeyaa human rights violations oon looga neefin, iska daa Somalia oo ah dowlad taag daran oo ku tiirsan ciidan shisheeye iyo kaalmo shisheeye.
Marka laga soo tago marmarsiinyada, sheegashada madaxbanaanida & faragelinta Somalia ka jirta, kagana imaneysa dhinacyada Dowladaha Deriska, AMISOM, Reer Galbeedkan, Dowladdaha Carabta, Qaramada Midoobey, amaba sidoo kale meel aanu iska dhigno ismaandhaafka siyaasadeed ee dhexdeena ah, ma jiro qof ama meel lagu difaaci karo tacadiyada iyo xasuuq ka dhan ah dadka shacabka ah ee xaquuqdooda u doodaaya.
Qof kastaa oo dhibane ah waxuu xaq ugu leeyahay in dowladda Somalia haddii ay gacan bidixeyso ama ku adkaato ama diido in dambiileyaasha cadaalada la hor keeno in daraf iyo maxkamad 3aad la weydiisto caawinaad iyo faragelin, qaramada midoobeyna waa meel 198 dal u wada dhexeysa.
Xadgudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo la galay muddadii ka badnayd labaatanka sano ee uu socday dagaalka Somalia ayaa loo tiiriyay masuuliyiin iyo ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan maleeshiyooyin galay xadgudubyadan iyagoo aanan ka cabsanayn in sharciga la soo taago. Si falalkaasi loo ciribtiro madaxweynuhu waxa uu dadka u balanqaadey in garsoorku yahay saldhiga dowladiisa, taasoo hadda aanan muuqan.
Haddaba, Iyadoon ogsoonahay halka aynu ka timid, haddana dalka Somalia waxaa weli joogga ciidamo shisheeye oo huwan magaca qaramada midoobey kuwaasoo marna dowladda ilaaliyo dhaqaalana siiya marna dadka Soomaaliyeed kala ilaaliya, Nicholas Hayson waa ergigii 5aad ee ka socda 198 dal ee qaramada midoobey daladaas wada dhisatey oo Soomaaliyana ka mid tahay.
Waxaa dhacdey in dowladda Madaxweyne Farmaajo ay dhagaha ka fureysatey in meel la saaro tacadiyadii Baidoa ka dhacey, waxaana Xildhibaano heer federaal, Aqoonyahano, dhibaneyaal, bulshadii rayidka ee Soomaaliyeed iyo dalalka deeqda bixiya; UK, Germany, iyo qaar kale oo EU ka tirsan recommendation u gudbiyeen Xafiiska Qaramadda Midoobey iyo Ergiga gaarka ah Nicholas Hayson kuwaasoo codsadey in baaris lagu sameeyo kaalintii dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo dowladda Ethiopia ku laheyd xasuuqii Baidoa ka dhacey?
Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo beesha caalamka u sheegi jirtay inay tahay dowlad dimoqraadi ah, dhowrtana Dastuurka KMG ee dalka iyo sharciyada kale ee caalamiga ah ee Soomaaliya ay qeybta ka tahay oo la weydiiyey su’aalo waxii Southwest State ka dhacey ayaa la timid hab dhaqan ku dhisan fudeyd, kana fog diblamaasiyada iyo marmarsiiyo xaalka uga sii dareysa.
Waa xusid mudan in Madaxweyne Uhuru Kenyatta loo haystay in uu galay dembiyo ka dhan ah bani’aadanka xilligii ay socotay rabshadii dhiiga badan uu ku daatay ee Kenya ka dhacay sanadkii 2008-dii loogana yeeray maxkamada dembiyada caalamiga ICC, taasina daliil cad u tahay in uusan jirin cid sharciga ka weyn, duniduna tahay shabakad qura, dambiile kastaa oo caddeyn ku filan loo haayo maalin un sharciga hor iman doono.
NB: Weligey waxaan ahaa qof diidan ku tiirsanaanta cududa iyo kaalmada shisheeye, laakiin taasi macnaheeda ma ahan in ogolahay in sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga la hareer maro laguna tunto