Wararka Soomaalida

Wasiiro hayay xilal muhiim ah oo xilalkii laga qaaday(Akhriso)

Published

on

Labo wasiir oo ka mid ahaa wasiirada ugu muhiimsan Golaha wasiirada maamulka Hirshabelle ayaa caawa xilalkii laga qaaday ka dib wareegto Madaxweyne oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Wareegtadaas xilka qaadista Wasiirada ayaa lagu sheegay in Wasiirkii Amniga Hirshabelle Cabdiqaadir Aadan Jeele iyo Wasiirkii warfaafinta Hirshabelle Cabdiweli Muxumad Cabdi xilalkii ay hayeen laga qaaday.

Dhinaca kale Madaxweyne Waare ayaa u magacaabay Wasiirka Amniga Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre halka Wasiirka warfaafinta Hirshabelle u magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale magacaabay Wasiiru Dowlaha hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka xilkaasoo loo magacaabay Abuukar Macalin Rashiid halka Wasiiru dowlaha Qorsheynta Xiriirka caalamiga ah u magacaabay Cabdirisaaq Aadan Geedi.

Talaabadan caawa uu qaaday Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii maanta degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan iska hor imaad ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaaqac soo gaaray dadka shacabka ah.

Iska hor imaadkaas ayaa wuxuu u dhexeeyay laba Ciidan oo ka wada tirsan maamulka Hirshabelle ka dib markii muran uu soo kala dhax galay labada Ciidan sida aan wararka ku helnay.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka.

Trending

Exit mobile version