Wararka Soomaalida
Wasiiro iyo agaasimiyaal oo xilalkii laga qaaday (Akhriso)
Ka dib wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa xilalkii looga qaaday wasiiro iyo agaasimiyaal ka tirsanaa Maamulka Soomaaliland ka dib markii lagu eedeeyey arrimo la xiriira Musuq-Maasuq. Wasiirada iyo agaasimiyaasha xil ka qaadista lagu sameeyey ayaa waxaa xilalkii iyaga laga qaaday loo magacaabay mas,uuliyiin cusub. Wasiirada xil […]
Ka dib wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa xilalkii looga qaaday wasiiro iyo agaasimiyaal ka tirsanaa Maamulka Soomaaliland ka dib markii lagu eedeeyey arrimo la xiriira Musuq-Maasuq.
Wasiirada iyo agaasimiyaasha xil ka qaadista lagu sameeyey ayaa waxaa xilalkii iyaga laga qaaday loo magacaabay mas,uuliyiin cusub.
Wasiirada xil ka qaadista lagu sameeyey ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo) Wasiirkii Hore ee Warfaafinta,Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga,Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Maamulka Soomaaliland.
Wareegtada ayaa sidoo kale xilalka looga qaaday Agaasimayaal iyo mas,uuliyiin kale oo katirsanaa maamulka Somaliland waxaana xusid mudan in Wasiirada maanta xilka laga qaaday Xafiiska Hanti Dhowrka Somaliland uu kusoo eedeeyay Musuq-Maasuq.
Halkan hoose ka akhri digreetada
Wareegto Madaxweyne
Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda
Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Maxamed Muuse Abees
Wasiir Ku xigeenkii Hore ee Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Mudanayaal
Sida aad la socotaan xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo oo loo igmado hadba ciddii hanan karta.
Sidaa darteed waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaaday xilalkii aad hayseen
Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud
Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga
Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Mudanayaal
Sida aad la socotaan xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta.
Sidaa darteed waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaaday xilalkii aad hayseen.
Wabilaahi Towfiiq.