Wararka Soomaalida
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo Boosaaso gaaray
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa galabta gaaray wafdi wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya waxayna ka duuleen garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho iyadoo si wanaagsan oo heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso.
Wasiiradan oo gaaraya ilaa shan wasiir ayaa dhamaan waxay deegaan ahaan ka soo jeedaan deegaanada Maamulka Puntland sida aan wararka ku helnay waxaana la hadal hayaa in ujeeda ay u aadeen Puntland ay ugu weynta sidii wada hadal ula soo yeelan lahaayeen Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo mudooyinkan si aad ah dhaliilo ugu jeedinayay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale wararka aan ka helayno ujeedka wafdigaas Wasiirada ah ayaa wuxuu sheegayaa in ujeedka safarkooda Puntland ugu weyn uu yahay sidii ay udhamayn lahaayeen khilaafka maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya udhaxeeya iyo sidii ugu dhaadhicin lahaayeen Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni inuu faraha kalabaxo arimaha Jubbaland iyo teegeerada uu ufidinayo Axmed Madoobe.
Wasiiradaas ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxayna kala yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad,wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan,wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka badda Cabdullaahi Bidhaan iyo wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan wasiiro iyo Xildhibaano.