Local News

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada London

Published

on

Magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska ayaa caawa waxaa ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac dhowr qof ah ka dib markii nin ku hubaysnaa toorey uu weerar ku qaaday dad marayay buundada magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska iyadoo markii dambe booliiska ay toogteen ninkii weerarka ka dambeeyay sida wararka ay sbeegayaan.

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ninka tooreyda watay uu la dhacay dhoor qof oo buundada marayay waxaa uu sidoo kale ninka xirnaa suun macmal ah oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku geeriyootay weerarka ka dhacay magaalada London waxaa sidoo kale ku dhaawwacmay shan qof oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada London.

Weerarka ka dhacay buundada magaalada London ayaa sababay in la xiro Xarunta tareenada ee ku taala agagaarka buundada London waxaa sidoo kale dadka ku dhaqan London loogu baaqay in ay isdejiyaan oo taxadir muujiyaan.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagaxisada ayaa wada baaritaan ku aadan weerarkan ka dhacay buundada magaalada London lamana oga ilaa hadda ujeedka weerarka iyo waliba ninka fuliyay wuxuu ahaa.

Sawiro laga soo qaaday Ciidamada booliska oo howlgal ku jira ayaa muujinaya inay baadi goob ugu jiraan shaqsiyaad kale oo laga baqdinqabo inay fuliyaan falkan caawa ka dhacay Buundada Magaalada London mid lamid ah ama ka xun kii caawa dhacay.

Trending

Exit mobile version