Wararka Soomaalida

Weerarkii lagu qaaday Sucuudiga oo dowladda Soomaaliya jawaab ka bixisay(Akhriso)

Shalay ayaa waxaa diyaarado Drone ah weerareen xarumo laga soo saaro Shidaalka ee ku yaala Magaalada Caasimadda ah ee Riyadh ee dalka Sucuudiga waxaana ka dhashay khasaaro lixaad leh. Haddaba weerarkaas ayaa waxaa la sheegay inay ku qaadeen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ka dagaalama Dowladda Soomaaliya ayaa haddaba si kulul uga hadashay weerarkaas ka […]

Published

on

Shalay ayaa waxaa diyaarado Drone ah weerareen xarumo laga soo saaro Shidaalka ee ku yaala Magaalada Caasimadda ah ee Riyadh ee dalka Sucuudiga waxaana ka dhashay khasaaro lixaad leh.

Haddaba weerarkaas ayaa waxaa la sheegay inay ku qaadeen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ka dagaalama

Dowladda Soomaaliya ayaa haddaba si kulul uga hadashay weerarkaas ka dib war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Waxaana warkan ka soo baxay dowladd Soomaaliya lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid aragagixiso ah islamarkaana ah ficilladaas mid fallaago-nimo ah ayna u aragto talaabadaas dowladda Soomaaliya mid halis ku ah nabad gelayada gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay hoggaanka dowladda iyo shacabka Sacuudiga xilli ay wajahayaan isku day taabanaya amniga qarankooda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Weerarkii shalay ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jira Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Weerarka ayaa yimid laba maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda Saliidda qaada ay waxyeelo xooggan kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta sida lagu sheegay warka ka soo baxay sucuudiga.

Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version