Community

Wiil Dhallinyaro ah oo caawa lagu dilay Minneapolis

Published

on

Waxaa caawa fiidkii markii ay saacadu ahayd 6:30 fiidnimo magaalada Minneapolis lagu dilay wiil dhallinyaro ah. Dhallinyaro Soomaali iyo Oromo iskugu jiraa ayaa isku xabadeeyay Xaafad ku taalada Jidka Franklin, xaafadaas oo u dhow dhisme ay Soomaalidu u taqaano Guryaha Calamadda.

Weerarkan ah toogashada iyo is xabadeynta ah ee ay dhallinyaradu isla beegsadeen ayaa waxaa markii hore ku dhaawacmay labo qof, balse labaddii qof ee dhaawacmay mid kamid ah ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Ciidanka Booliiska magaaladda Minneapolis ayaa weli ku guda jira baaritaan la xiriira toogashaddan lagu dilay halka qof, midka kalena lagu dhaawacay. Weli akhbaar dheerad oo la xiriira da’da iyo magaca qofka dhintay iyo kan dhaawaca ah weli lama shaacinin.

Ilaa iyo hadda qof loo hayo ma jiro dilkan. Wixii akhbaar dheerad ah ee ku soo kordha arrintan dilka ah waxaad kala socotaa Tusmotimes.

Trending

Exit mobile version