Wararka Soomaalida

Wiil ku jiray todobaadka Arooska oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Dhacdooyinka xanuunka leh ee ka soo kordhaya khasaaraha weeraradii xalay ka dhacay Xamar waxaa ka mid ah wiil ku jiray todobaadka Arooskiisa ayaa ka mid noqday dadkii ku nafwaayey qarax yadii ka dhacay Magaalada Muqdisho. Ninkan dhalinyarada ah ee ku dhintay qarax yadii Hoteelada Hilaac UK iyo Makah Al Mukaramah Ayaa shabaabka ay ku qaadeen […]

Published

on

Dhacdooyinka xanuunka leh ee ka soo kordhaya khasaaraha weeraradii xalay ka dhacay Xamar waxaa ka mid ah wiil ku jiray todobaadka Arooskiisa ayaa ka mid noqday dadkii ku nafwaayey qarax yadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ninkan dhalinyarada ah ee ku dhintay qarax yadii Hoteelada Hilaac UK iyo Makah Al Mukaramah Ayaa shabaabka ay ku qaadeen isla markaana ka jiray maalmaha arooska ee Todobada ayaa waxaa lagu magacaabayey Maxamed Cismaan.

Gabadha ay iscalmadeen ee Arooskooda uu dhacay jimcihii hore ayaa waxaa lagu magacaabaa Fardowso wuxuu jimcahan maanta ah ku beeganaa udabaal degida iyo Mashxarada Todoba baxa arooskooda.

Marxuum Maxamed Cismaan iyo Marwo Fardowso ayaa xiriirkooda shukaansiga wuxuu socday muddo labo sanno ah sida ay sheegeen dadka,asxaabta ay ahaayeen ka dibna ilaahay ku guuleeyey in uu miradhalo da,daallkii in muddo ah ay soo wadeen.

Fardowso oo jimcihii hore yeelatay guri rasmi ah hesheyna jaceylkii muddada dheer ay soo waday una bilaabatay noloshii iyo farxadii aduunyo ayaa xalay oo jimco ahayd waxaa la soo gudboonaatay murugo ka dib markii Saygeedii ay jacleyd nolol cusubna ay wada ugaleen uu ku dhintay Qarax yadii Muqdisho.

Dhacdadan xanuunka leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cismaan iyo Fardowso,kuna jiray maalmaha farxada ayaa waxay ka mid tahay dhacdooyinka uur ku taalaada ah ee marwaliba ka taagan Magaalada Muqdisho.

Iyadoo arrimahaas qadarta Alle ka sokow Maleeshiyada Al shabaab ay sabab uyihiin in sidaan oo kale ay dhacdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version