Local News
Wiil qof dilay qaar kalena dhaawacy oo la qabtay
ROSEVILLE – Waxaa mar dhow magaalladda Roseville ee gobolka Minnesota lagu qabtay wiil ay hay’addaha ammnigu sheegeen in uu yahay 17-sanno jir geystay fal dambiyeed iskugu jira dil iyo dhaawac.
Waxaa saaka arroortii dadweyanaha ku dhaqan magaalooyinka ku yaala degmadda Ramsey ee gobolka loo diray fariin digniin ah oo looga digayo wiilkan ay ciidanka booliisku qabteen kaddib markii ay raadinayeey in mudo ah. Wiilkan oo hubeysan ayaa bilaabay in iska toogto hadba cidii ka soo hor baxda, wuxuuna dilay hal qof, sidoo kale wuxuu dhaawac halis ah u geystay labbo qof oo kale.
Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka ku yaala degmadda Ramsey ayaa saaka ku waaberiistay digniin iyo fariimo lagu wargelinayo in ay guryahooda ku jiraan oo ayna ka soo bixin. Wiilkan 17-jirka ah oo hubeysan oo la sheegay in uu naftiisa iyo tan dadweyanahaba halis ku yahay ayaa la la’aa in mudo ah kaddib markii uu dad toogtay meeshii uu wax ku dilayna ka baxsaday.
Waxaa weli socda baaritaan la xiriira dilka iyo dhaawaca uu wiilkan oo aan weli magaciisa la shaacinin uu geystay. Wixii akhbaar dheerad ee ku soo khordha warbixintan kala soco Tusmo Times.