World

Wiil Soomaali ah mudo 24 saacadood ah lacag $1million ah dad qaxooti ah ugu uruuriyay

Published

on

Hassan Suleiman oo loo yaqaano (AboFlah) oo ah wiil Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah, ahna YouTuber caanka ka ah wadamada carabta, deggena wadanka Kuwait ayaa mudo 24 saacadood ah ama hal maalin gudaheed ku uruuriyay lacag $1 million oo dollar-ka Mareykanka ah.

AboFlah ama wiilkan dhallinyarada ah ayaa waxaa ku xiran ama si joogto ah ula socda bogga uu ku leeyahay barta YouTube ku dhowaad 21 million oo qof. Haddaba Hassan Suleiman oo ku magac dheer (AboFlah) ayaa furtay boggiisa YouTube sannadkii 2016-ka, wuxuuna inta baddan uga hadlaa ama ku falanqeeyaa video games.

AboFlah ayaa daahfuray olole lagu caawinayo dadka Qaxootiga ah isaga oo ay wada shagayn leeyihiin, ololahana iska kaashanayaan Ha’ayadda UNHCR oo ah Ha’ayad u adeegta dadka Qaxootiga ah. Lacagtan uu wiilkan dhallinyarada ah uu uruuriyay ayaa lagu caawinayaa dad qaxooti ah oo ka barakacay goobiihii ay daganaayeen, dadkan qaxootiga ah ayaa ka soo kala jeeda wadamada Syria, Lebanon, Iraq iyo Jordan.

Lacagtan uu AboFlah uriiriyay ayaa ku soo aadeysa wakhti la galayo xiligii qaboobaha, waxayna lacagtani kaalmu ay u isticmaalaan cunto, dhar iyo wax ay qaboobaha iyo dhaxanta ka isticmaalaan dadkan qaxootiga ah ee malaayiinta tiro ahaan kor u dhaafaya.

Arrintan ayaa noqotay mid aad loo bogaadiyo, aadna looga hadal hayo baraha bulshadda iyo wadamada carabta.

Trending

Exit mobile version