Wararka Soomaalida
Wiil Soomaali ah oo ku biiray Kooxda liverpool
Kooxda Ciyaartooyda ah ee liverpool ayaa waxaa ku biiray Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdi Sharif wuxuuna ugu ciyaaraa liverpool dhanka dambe ee garabka Midig. Wiilkan dhalinyarada ah ee Soomaliyeed ayaa waxaa la sheegay inuu leeyahay faham ciyaareed iyo haybad ku badda cagta ah sidaas awgeed ay soo dalbatay kooxda liverpool ka dib markii […]
Kooxda Ciyaartooyda ah ee liverpool ayaa waxaa ku biiray Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdi Sharif wuxuuna ugu ciyaaraa liverpool dhanka dambe ee garabka Midig.
Wiilkan dhalinyarada ah ee Soomaliyeed ayaa waxaa la sheegay inuu leeyahay faham ciyaareed iyo haybad ku badda cagta ah sidaas awgeed ay soo dalbatay kooxda liverpool ka dib markii ay ka heleen hab ciyaareedkiisa ee ku cadda cagta sida lagu sheegay qoraaladii Cabdi Shariif laga sameeyay.
Cabdi Shariif ku biiritaankoosa Kooxda liverpool ayaa waxaa siweyn usoo dhaweeyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiiseeyay Kubadda Cagta iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
Baraha bulshada ayaa waxaa siweyn uqabsaday hadal haynta Cabdi Shariif iyo ku biiristiisa Kooxda liverpool iyadoo siweyn loogu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray Kubadda Cagta maadaama uu ku biiray Koox caalami ah oo dunida heer sare ka jooga xagga kubadda Cagta.