Community

Wiil Soomaali ah oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho loo geystay

Published

on

Waxaa magaalada Minneapolis maanta ku dhintay Samale Ahmed Barkhadle oo ah 29 jir habeenkii Axada lagu toogtay, dhaawacna lagu gaarsiiyay Xaafad ku taala Waqooyiga magaalada Minneapolis.

Samale Axmed Barkhadle ayaa waxaa dhaawac toogasho ah loogu geystay goobta uu ciwaankeedu yahay 1800 block of Emerson Avenue North, habeenkii Axada. Haddaba waxaa isla markiiba loo qaaday Samale Xarunta caafimaadka ee Hennepin County, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Afhayeenka Ciidanka Booliska magaalada Minnepolis John Elder ayaa sheegay in ay maqleen rasaas iyo istoogasho ka dhacday goobta lagu toogtay Samale Axmed, kadibna markii ay ciidanka booliiska ee gurmadka ahaa ay soo gaareen goobta xabaduhu ka dhaceen ay meesha ugu yimaadeen Samale Axmed oo dhaawach halis ah, isla markaana loo qaaday Xarunta caafimaadka ee Hennepin County halkaas uu saaka ku geeriyooday Samale Axmed.

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysay toogashadda Samale Axmed Barkhadle. Ciidanka Booliiska magaalada Minneapolis ayaa iyagu gacanta ku haya baaritaanka dilka loogeystay Samale Axmed. Haddaba ciidanka booliiska ayaa codsanaya qofkii wax akhbaar ah oo la xiriirta dilka Samale Axmed haya in ay la soo xiriiraan waaxda ka hortaga damiyadda oo taleefankoodu yahay 1-800-222-8477.

Trending

Exit mobile version