Wararka Soomaalida

Wiil uu dhalay laacibkii hore Xasan Cariif Faraska cad oo wacdaro ka dhigay koobka Asia Cup

Xasan Cariif Faraska Cad oo ah laacib hore ee Soomaaliyeed ayaa waxaa will uu dhalay waxaa uu wacdaro ka dhigay ciyaartii dhexmartay labada kooxood ee Qatar iyo UAE ee koobka Semi-Final Asia Cup. Wiilkan uu dhalay laacibkan hore ayaa waxaa lagu magacaabaa Akram Xasan Cariif Faraska Cad kaasoo soo jiitay quluubta dhamaan daawadayaashii ciyaartaas. Ciyaarta […]

Published

on

Xasan Cariif Faraska Cad oo ah laacib hore ee Soomaaliyeed ayaa waxaa will uu dhalay waxaa uu wacdaro ka dhigay ciyaartii dhexmartay labada kooxood ee Qatar iyo UAE ee koobka Semi-Final Asia Cup.

Wiilkan uu dhalay laacibkan hore ayaa waxaa lagu magacaabaa Akram Xasan Cariif Faraska Cad kaasoo soo jiitay quluubta dhamaan daawadayaashii ciyaartaas.

Ciyaarta Semi-finalka ee udhexeysay Xulka Qadar iyo Xulka UAE ayaa wiilkan Soomaaliga ah ee uu dhalay laacbkii hore wuxuu kooxdiisa u dheliyey hal gool iyadoo goolasha kale ee kooxdan ku badisay uu caawiye ka ahaa.

Ciyaartaas ayaa ku soo idlaatay 9-Gool oo Xulka Qadar ah iyo hal gool oo leh Xulka Imaaraadka.

Laacibkan da,dayar Akram Xasan Cariif ee uu dhalay Laacibkii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu,u ciyaaraa Xulka Kubadda Cagta ee dalka Qadar.

Laacibkan wacdarada ka dhigay ciyaartaas aabaha dhalay ee lagu magacaabo Xasan Cariif Faraska Cad ayaa waxaa uu ka mid ahaa laaciniintii hore ee xulkii Soomaaliya ee beri samaadkii kaasoo ahaa shaqsi sumad iyo Sharif ku dhex lahaa shacbiga Soomaaliya,asgoo lagu qadarin jiray farsamo ciyaareedkiisa oo aad loo jaclaa awgeed.

Xasan Cariif Farsaka Cad waxaa uu ka tirsanaa Kooxdii xulka Qaranka ee Horseed Gobolka Jubbada hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version