Wararka Soomaalida
Wiil uu dhalay Madaxweyne hore oo geeriyooday
Isbitaal ku yaala magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa galabta waxaa ku geeriyooday wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ka dib markii xanuun deg deg ah ku soo booday.
Cabdullaahi Maxamed Mursi ayaa ugeeriyooday xanuun dhanka Wadnaha ah oo si deg deg ah ugu yimid sida ay sheegeen dhaqaatiirta dalka Masar gaar ahaan kuwa Isbitaalka marxuumka uu ku geeriyooday ka howlgala.
Cabdullaahi Maxamed Mursi ayaa waxaa la sheegay in xanuunkan Wadnaha uu ku soo booday xili gaari uu ku dhax watay magaalada Qaahira ka dibna loola cararay Isbitaal tii rabina utimid.
Marxuum Cabdullaahi Maxamed Mursi ayaa la sheegay inuu ahaa kan ugu yar wiilasha uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ee asna bishi June ugeeriyooday xanuun dhanka Wadnaha ah xili uu taagnaa maxkamad ku taala Magaalada Qaahira iyadoo muddo dheer maxbuus ahaa Maxamed Mursi.
Geerida Cabdullaahi Maxamed Mursi ayaa waxaa xaqiijiyay walaalkiis Axmed Maxamed Mursi wuxuuna sheegay in walaalkiis Cabdullaahi xanuun lama filaan ah oo dhanka wadnaha ah uu ku soo booday ka dibna la dhigay Isbitaal sidaasna ku geeriyooday.