Wararka Soomaalida

Wufuud kala duwan oo gaartay Baydhabo

Published

on

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa waxaa ku qulqulaya wufuud kala duwan oo ka kala yimid beesha caalamka,dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Madaxweyniyaasha maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta hadda ku sugan magaalada Baydhabo ee galabta gaaray ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka federaalka iyo qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Ujeedada Baydhabo loo tegayo ayaa waxay tahay ka qayb galka munaasabadda sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay xiligii xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loo dhaariyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen 19-kii bishii December ee sanadkii 2018-kii oo hadda ka soo wareegatay muddo halsano ah iyadoo maalinta beri ah magaalada Baydhabo ka dhici doonto munaasabad balaaran.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo sii hayaha xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah ay gaaraan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa lafilayaa in iyana ay gaaraan Magaalada Baydhabo qaar ka mid ah Safiirada wadamada caalamka ufadhiya dalka Soomaaliya iyo Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan sida aan wararka ku helnay.

Mudada halka sano ah ee Madaxweynaha uu ka yahay maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ilaa haddabuusan magacaabin Madaxweyne ku xigeenka maamulka Koonfur Galbeed iyadoo bulshada ay ka sugayaan inuu magacaabo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Trending

Exit mobile version