Wararka Soomaalida
Wufuudii ka qayb gashay munaasabadii Axmed Madoobe oo Muqdisho ku soo wajahan
Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo wajahan Wufuudii ay kala horkacayaan Xasan sheekh,Shariif sheekh Axmed oo Madaxweynayaan kasoo noqday Wadanka iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani.
Wafuudan oo mucaaradsan Dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ayaa iyagu ka qeybgalay Caleema saarkii Axmed Madoobe oo ay Dowladu diiday doorashadii tageerayaashiisa ay ku doorteen Kismaayo iyadoo aan la ogeyn talaabada Dowlada ka qaadidoonto xubnaha maanta Xamar imaanaya.
Xubnaha maanta xamar la filayo in ay yimaadaan waxaa ka mida Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa xubnihii ugu horeeyey ee gaaray Kismaayo iyagoo ku tagay Diyaarad toos uga soo qaaday Nairobi taasoo jabisay amarkii Dowlada ee ahaa in duulimaad toosa oo ka yimid Nairobi.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani ayaa marka uu xamar kasoo dago aan soo dhaafidoonin Garoonka Aadan Cade isagoo uga sii gudbaya Garowe.
Maanta oo la filayo in labo diyaaradood ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho wafuudii ka qeybgashay Caleema saarka Axmed Madoobe ayaanan la ogeyn talaabada Dowladu marka ay xamar kasoo dagaan ay sameyn doonto.