Wararka Soomaalida

Xaaf oo ka carooday shirka Garowe

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ka mid ah Madaxda Maamulada ee ka qayb galaya shirka Garowe ayaa la sheegay inuu ka carooday shirka ka ka socda Magaalada Garowe ee udhaxeeya Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada Soomaaliya ka dib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ku cadaadiyeen Madaxda Maamulada Puntland iyo […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ka mid ah Madaxda Maamulada ee ka qayb galaya shirka Garowe ayaa la sheegay inuu ka carooday shirka ka ka socda Magaalada Garowe ee udhaxeeya Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada Soomaaliya ka dib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ku cadaadiyeen Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland in muddo kororsi loo sameeyo Axmed Ducaale Geele Xaaf iyadoo laga soo bilaabayo shirkii Jabuuti ee midowgii Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo R’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sameeyey tanaasul ah in Xaaf loo sameeyo muddo kororsi ka soo bilaabanayo xiligii la doortay Xaaf Galmudug muddo halsano ah loogu daray muddo xil hayntiisa ka dibna labada Baarlaman ee kala jooga Cadaado iyo Dhuusamareeb la,iskuuga geeyo Cadaado shaqadana dib loo bilaabo.

Arintaas muddada halka sano ah ayaa waxaa saloogay oo ka soo hor jeestay Xaaf sida aan wararka ku helayno iyadoo Xaaf uu danaynayo in muddo kordhinta laga soo bilaabo heshiiskii Jabuuti.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa xalay ka qayb gelin shirka Garowe iyadoo uu ka caraysan yahay go,aanka Madaxda federaalka Soomaaliya ka dib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ku adkaysteen go,aankooda,ah in mudda kordhinta xaaf laga soo bilaabo xiligii loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

Shirka ka socda Magaalada Garowe ee maamulka Puntland ayna ka qayb galayaan shanta Maamul Goboleed ee Soomaaliya labana ay ku rayi yihiin dowladda dhexe seddaxna ay ka soo horjeedaan ayaa waxaa uu ku dhaw yahay inuu ku soo idlaado natiijo la,aan sida wararka ay nagu soo gaarayaan.

Arimaha fashilka keeni doono ayaa waxaa ka mid ah mowqifka adag ee ay ku taagan yihiin seddaxda Maamul ee isku hadafka ah ee kala ah Jubbaland,Galmudug iyo Puntland iyagoo doonaya in madaxda dowladda dhexe ay ku cadaadiyaan rabitaankooda ee xagga beesha caalamka in loo madax baneeyo Maamulada iyo in dowladda dhexe ka dhaxbaxdo Maamulada arimahooda.

Dhinaca Madaxda dowladda dhexe ayaa iyana doonaya in rayigooda uu meelmaro go,aanada ay wataan Maamuladaasna shaqaynaynin sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaalada Garowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version