Wararka Soomaalida
Xaaf oo ku dhawaad labo sano ka dib xalay ku hoyday Cadaado+Sawiro
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo caro awgeed uga baxay degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu hal habeen iyo dhowr saacadood ku sugnaa Degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay saqdii dhexe waxaa halkaas ka soo ka xeeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug kana kala tirsan […]
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo caro awgeed uga baxay degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu hal habeen iyo dhowr saacadood ku sugnaa Degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay saqdii dhexe waxaa halkaas ka soo ka xeeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug kana kala tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan labada gole faderaalka oo shalay gaaray degmada Cadaado iyo siyaasiyiin degaan ahaan ka soo jeeda Galmudug ayaa xalay kulamo saacado qaatay Madaxweyne Xaaf kula yeeshay degmada Godinlabe ka hor inta aysan u soo gelbinin Cadaado.
Sanad iyo 8 bilood kadib ayay noqoneysaa in markii ugu horeysay Xaaf xalay uu ku hoyday Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado.
Madaxweyne Xaaf oo daraad ka tegay Dhuusa-Mareeb oo muddo sanad ka badan saldhig u aheyd ayaa habeen hore ku dhawaaqay inuu burburay heshiiskii uu Jabuuti kula galay Ahlusuna sidoo kale uu aqbalay in doorashada Madaxweynaha Galmudug islamarkaana la qabto bisha soo socota bilowgeeda ee July.