Wararka Soomaalida

Xaaf xaalada ku xuntahay oo loola cararay Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa saaka loola cararay Magaalada Gaalkacyo ee xatunta Gobolka Mudug ka dib markii looga cabsaday in xabsi loo taxaabo. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa looga baqay inay soo xiraan Xaaf ka dib markii Magaalada dhuusamareeb uu gaaray Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi saraakiil […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa saaka loola cararay Magaalada Gaalkacyo ee xatunta Gobolka Mudug ka dib markii looga cabsaday in xabsi loo taxaabo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa looga baqay inay soo xiraan Xaaf ka dib markii Magaalada dhuusamareeb uu gaaray Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi saraakiil ah.

 

 

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya inay kala jabeen Ciidamada ahlusuna iyo Ciidamada Xaaf ka dib markii Xaaf amar ku bixiyay in wasiir sabriye laga celiyo garoonka diyaaradaha ee dhuusamareeb iyadoo amarkaas uu jebiyay Maxamed Shaakir Cali Xasan wasiirkana usoo galbiyay gudaha Dhuusamareeb.

Ciidamadii Xaaf uu udiray garoonka diyaaradaha dhuusamareeb ayaa waxaa kala diray Maxamed Shaakir iyadoo arintaas khilaaf ka dhax abuurtay Xaaf iyo Maxamed Shaakir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version