Health
Xaafadda McKnight oo laga helay Cudurka Coronavirus (COVID-19)
xaafadda McKnight ee ku taala magaaladda Saint Paul ee gobolka Minnesota ayaa waxaa laga helay cudurka caabuqa faafa ee Coronavirus (Covid-19.
Xaafaddan ayaa waxaa deggan ku dhowaad 720 qoys oo Soomaali u baddan. Labo qof oo xaafadda deggen ayaa la xaqiijiyay in laga helay cudurka caabuqa faafa ee Coronavirus.
Dhamaan dadka deggen xaafadda ayaa waxaa maanta loo sheegay, loona soo diray fariimo lagu wacyigelinayo, looguna sheegayo in dad xaafadda degen laga helay cudurka.
Fariimaha loo soo diraydadka xaafadda degen ayaa u badnaa wacyigelin, wargelin iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen faafida cudurka Coronavirus.
Warkan iyo xaaladan caafimaad ayaa ah mid deg-deg ah, waxaad kala socotaa wargeyska Tusmotimes wixii akhbaar dheeraad ah ee ku soo kordha.