Wararka Soomaalida

Xaalada ay ku nool yihiin qoysaska Barakacayaasha oo qiimayn lagu sameeyay+Sawiro

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa maanta kormeeray xerooyinka ay ku nool yihiin qoysaska Barakacayaasha ah ee degan daafaha Muqdisho iyo gudaha Magaalada. Kormeerka Gudoomiye Yariisow ee qoyasaka dantayar ayaa waxaa lagu sheegay mid lagu weynaynayay maalinta Qaxootiga aduunka iyo sidii u ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ay ku nool […]

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa maanta kormeeray xerooyinka ay ku nool yihiin qoysaska Barakacayaasha ah ee degan daafaha Muqdisho iyo gudaha Magaalada.

Kormeerka Gudoomiye Yariisow ee qoyasaka dantayar ayaa waxaa lagu sheegay mid lagu weynaynayay maalinta Qaxootiga aduunka iyo sidii u ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin qoysaska.

Soo indha indhayn iyo qiimaynta xaalada qoysaskaas ka dib ayaa waxaa munaasabad lagu xusayay maalinta qaxootiga aduunka lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadaas ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah safiirada ajaanibka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

“Maalinta Qaxootiga Adduunka ayaan kulan la qaadanay Qaxooti iyo Barakacayaasha si aan u weyneyno muhiimada xuquuqdooda iyo in muwaadin kasta uu yeesho hooy, shaqo, sharaf iyo karaamo”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Waa markii ugu horaysay ee Gudoomiye Yariisow abid nolashiisa uu booqdo soona arko xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin qoysaska Barakacayaasha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version