Wararka Soomaalida

Xaalada degmada Dhuusa-mareeb oo degan

Published

on

Ka dib markii xalay Ciidan taabacsan Ahlusuna ay la wareegeen xarunta degmadaasi ayaa waxaa xalay kulan dheer wada yeeshay wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa Golaha wasiirada Galmudug Maxamed Shaakir Cali xasan ka dibna xaliyay wixii xalay ka dhacay Dhuusa-mareeb.

Taliyaha amniga Saldhiga booliska degmada Dhuusa-mareeb Gaashaanle Cabdullahi Xasan Macalin oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in wixii xalay dhacay la xaliyay xaaladana hadda degan tahay ka dib markii xal laga gaaray shaqaaqadihii Dhuusa-mareeb ka dhacay.

G/lle Cabdullahi Xasan Macalin ayaa intaas hadalkiisa ku daray Ciidamadii la wareegay xarunta dhuussa mareeb laga saaray jawigana wanaagsan yahay haddana degmada amnigeeda ay la wareegeen Ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya oo awalba uxilsaarnaa.

Gadoodka Ciidamada Ahlusuna ee la wareegay Xarunta degmada degmada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay inay ka dambaysay ka dib markii Askari ka tirsan Ciidanka amniga Dhuusa-mareeb ee dowladda federaalka Soomaaliya uu rasaas ku riday guri ee degmada ka degan yahay madaxa golaha wasiirada Galmudug Maxamed Shaakir Cali xasan sidaasina ciidamadiisa ku caroodeen.

Taliye Cabdullahi Xasan Macalin ayaa sheegay in askari xabada riday xabsiga ay dhigeen arintaasina xalinta wixii dhacay qayb ka ahayd.

Ahlusuna iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhax taagan khilaaf xagga maamul usamaynta Galmudug ah iyadoo Ahlusuna ay doonayaan in Baarlamanka saami gaaraya 30 Xildhibaan laga siiyo halka dowladda federaalka Soomaaliya ay arinkaasi ka soo hor jeedaan.

Trending

Exit mobile version