Wararka Soomaalida
Xaalada dhaqtarkii la dhaawacay oo soo hagaagaysa
Dr.Cabdixaliim Maxamuud Sheekh oo galabta ku dhaawacmay rasaas uu riday askari ka mid ah Ciidanka Soomaaliya xili Ciidan uu la socday askarigaas ay la kulmeen wadada Soobe oo mashquul ahayd isla markaana ujeedka rasaastaa uu u furay askariga lagu sheegay in uu doonayey in wadada uu ku furo si ay ugudbaan ayaa dhaqtarkaas hadda xaaladiisa […]
Dr.Cabdixaliim Maxamuud Sheekh oo galabta ku dhaawacmay rasaas uu riday askari ka mid ah Ciidanka Soomaaliya xili Ciidan uu la socday askarigaas ay la kulmeen wadada Soobe oo mashquul ahayd isla markaana ujeedka rasaastaa uu u furay askariga lagu sheegay in uu doonayey in wadada uu ku furo si ay ugudbaan ayaa dhaqtarkaas hadda xaaladiisa Caafimaad soo hagaagaysa ka dib qalliin lagu sameeyey.
Xabadii uu riday askariga ayaa waxaa Gaariga ugu gashay kuna dhaawacday dhaqtar Cabdixaliim Maxamuud xili uu ka mid ahaa dadkii wadada ku xanibantay.
Dhaqtarkan lagu magacaabo Dr.Cabdixaliim Maxamuud Sheekh ayaa waxaa uu qaabilsan yahay Cudurada Caruurta wuxuuna ka howlgalaa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho isla markaana intabadan dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalkaas ay u badan yihiin dhaqaatiir udhalatay dalka Turkiga.
Dr.Cabdixaliim Maxamuud oo dhaawac ka soo gaaray qaybta sare ee jirkiisa ayaa waxaa lagu Qalay Isbitaalka Digfeer waxaana qalliinkaas lagu sameeyey ka dib la sheegay in xaalada caafimaad ee Dr.Cabdixaliim ay soo hagaagtay.