Wararka Soomaalida

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Taliye ku xigeenka Booliska

Published

on

Xaflad ay ka qeeb galeen Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya ayaa caawa waxay ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaana loo sameeyay xafladaas Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullahi (Kaniif) oo dhowaan magacaabis iyo dalacsiinba iskuugu daray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxay yihiin labo waxayna kala yihiin Sareeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullahi Kaniif iyo Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed halka Taliyaha Ciidanka Booliska uu jiro.

Taliye ku xigeenka Ciidanka 2-aad ee Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa haddaba caawa bogeeda Twitter-ka ku soo daabacday qoraal ay ku soo dhaweynayso iyo xaflada ay usameeyeen Taliye ku xigeenka koowaad Sareeye Guuto Cismaan Cabdullahi Kaniif ee caawa ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Xaflada soo dhaweynta Taliye Xigeenka 1-aad Ciidanka Boliiska S/Guuto Osman Maxamed Abdullahi ‘Kaniif walaalkeey mar labaad soo dhawoow quluub isku xiran iyo hoggaan isku qanacsan ayaa qaran iyo ciidan lagu dhisaa”ayay tiri Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed.

Dhinaca kale waxaa socota qalabaynta iyo dib uhabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliya si amniga Muqdisho ay uxaqiijiyaan sida aan xogta ku helnay.

Trending

Exit mobile version