Wararka Soomaalida
Xafladii Caleema saarka Madaxda Puntland ee ka socotay Garowe oo la soo gaba gabeeyey
Xafadladii Caleema Saarka ahayd ee Madaxda Maamulka Puntland ee ka socotay Magaalada Garowe ayaa hadda la soo gaba gabeeyey. Ka hor inta aan la soo gaba gabaynin xafalada waxaa Madasha khudbado gaagaaban ka jeediyey Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxay khudbadahooda Ku koobnaayeen arimaha xaflada ee caleemaysaarka ah. Madaxweynaha […]
Xafadladii Caleema Saarka ahayd ee Madaxda Maamulka Puntland ee ka socotay Magaalada Garowe ayaa hadda la soo gaba gabeeyey.
Ka hor inta aan la soo gaba gabaynin xafalada waxaa Madasha khudbado gaagaaban ka jeediyey Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxay khudbadahooda Ku koobnaayeen arimaha xaflada ee caleemaysaarka ah.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxaa uu ka jeediyey Xaflada Khudbad intabadan kaga hadlayey waxa uu qaban doono waxaa ka mid ahaa sidii amaan looga soo dabaali lahaa deegaanada Puntland Al shabaab iyo Daacishna looga ciribtiri lahaa.
Waxaa kaloo uu sheegay in wada shaqayn dhab ah la yeelanayaan Dowlada dhexe iyadoo laga tegaynin waxa Puntland ay xaqa uleedahay.
Intaas ka dib wuxuu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha ayaa salaan iyo qadarin uu u jeediyey Madaxdii ka soo qayb gashay xaflada ka sokow xilkan culus ugu duceeyey Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash in ilaahay ku ceebaynin ee uu ufudadeeyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ka dib waxaa uu ka hadlay khilaafka natiijooyinka laga dhaxlo wuxuuna sheegay in cawaaqib xumo iyo meel aan fiicneen in lagu dambeeyo laga dhaxlo khilaafka waxaana xaflada uu ka sheegay in wadajirka wax weyn lagu gaaro wadajirkana la xoojiyo.
Uga dambayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa Siyaasiyiinta gaar ahaan Madaxda Maamulada iyo labada Gole ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya usheegay in wixii jira ee khilaaf ah uu iska cafiyey iyaguna wuxuu ka codsaday in ay cafiyaan.
Halkaas ayey Ku soo idlaatay Xafladii caleema Saarka Siciid Cabdulaahi Deni iyo Axmed Cilmi cismaan Axmed Karaash ee caawa oo dhan loo fadhiyey.