Wararka Soomaalida

Xamar oo caawa gashay xaalad Roobeed+sawiro

Shacabka ku nool Magaalada muqdisho ayaa caawa helay qabow iyo raxmadda Alle kadib markii Roob mahiigaan ah uu ka curtay Magaalada Muqdisho iyadoo roobka uu qaboojiyey bulshada ku nool Magaalada islamarkaana shacabka Alle ugu mahadceliyey raxmadda eebe ee caawa uu siiyey umadiisa. Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qulqulaya Biyihii roobka ee caawa ka curtay Xamar […]

Published

on

Shacabka ku nool Magaalada muqdisho ayaa caawa helay qabow iyo raxmadda Alle kadib markii Roob mahiigaan ah uu ka curtay Magaalada Muqdisho iyadoo roobka uu qaboojiyey bulshada ku nool Magaalada islamarkaana shacabka Alle ugu mahadceliyey raxmadda eebe ee caawa uu siiyey umadiisa.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qulqulaya Biyihii roobka ee caawa ka curtay Xamar iyo nawaaxigiisa iyadoo mudduba Alle laga baryaayey raxmadiisa.

Roobka gu,ga ee caawa ka da,ay Muqdisho ayaa muddaba shacabka waxay Allah weydiisanayeen inuu u keeno raxmadiisa ka dib markii muddo dhowr bil ah ay ku soo jireen kulayl aad udaran.

Roobkan ayaa sidoo kale wuxuu ku soo aaday iyadoo lagu jiro bilowgii bisha barakaysan ee Ramadan.

Gobolada dalka sida labada shabeele ee deriska la,ah Gobolka Banaadir iyo Gobolada Baay,Bakool,Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa uu ka da,ayey in muddo ah roobka gu,ga iyadoo siweyn ay ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan Goblada Roobkan uu mudduba ka da,ayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version